War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Weriye caan ah oo ka howlgala magaalada Muqdisho uu qarxay gaarigiisa, kadib markii miino loogu xiray Gaarigiisa.
Qaraxa ayaa lala beegsaday Weriye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ka tirsan saxafiyiinta magaalada Muqdisho, madaxna ka ahaa mid ka mida ururrada saxafiyiinta, iyadoo qaraxa uu qabsaday gaarigiisa xilli uu ku socday.
Dhaawac ayaa la sheegay inuu soo gaaray saxafiga, waxaana loola cararray isbitaala, iyadoo xaaladiisa halkaasi lagula tacaalayo.
SAWIRRO: Wararkii ugu danbeeyay Xaaladda Weriye Ismaaciil Khaliif oo Gaarigiisa qarax loogu xiray