Sunday, July 6, 2025

DEGDEG: Weriyihii VOA-da ee magaalada Beledweyne oo la xiray

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goor dhoweyd la xiray weriyihii Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga.

Xariga weriye Xuseen Xasan Dhaqane ayaa la sheegay inay ka danbeeyeen maamulka gobolka Hiiraan, iyadoo aan faahfaahin laga bixin sababta xarigiisa.

Weriye Xuseen Xasan Dhaqane ayaa ah wakiil wareedka VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga, waxayna wararka qaar sheegayaan in loo heysto war idaacadda laga sii daayay oo ku saabsan mooshin laga keenay madaxweynaha Hishabeelle.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON