War hadda soo dhacay aya sheegayain dil toogasho ah uu ka dhacay magaalada Muqdisho.Koox hubeysa ayaa rasaas ku furay laba wiil oo walaallo ah, degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxaana falkani uu ka dhacay xaafada Silliga.
Labada wiil oo lagu magacaabi jiray Mustaf Maxamed Wehliye iyo Saney Maxamed Wehliye ayaa wararku sheegayaan in labadaba ay dhinteen, sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal ah.
Warar hore u soo baxay ayaa sheegay in mid kamida labada wiil uu dhaawac culus soo gaaray, waxaana weerarka geystay koox wadatay gaari oo hubeysan.
Dilkan ayaa noqonaya kii labaad ee maanta ka dhaca magaalada Muqdisho kadib markii saaka degmada Shibis lagu khaarijiyay sarkaal sare oo ka tirsanaa NISA.
Goobjooge.com