Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xarun degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir lagu kala cararray kadib gaari looga shakiyey waxyaabaha qarxa.
Kala cararka ayaa ka dhacay xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho oo hore qarxiyey sanadkii hore, waxaana casbsi dhaliyey gaari la garan waayey cidda leh oo lagu arkay meel u dhow xarunta degmada, taasoo keentay in la xiro ganacsiyadii iyo xaruntii degmada isla markaana lagu kala tago halkaasi.
Dad joogayaal ah ayaa sheegay inay ciidamada amniga degmada ay ka myuqatay argagax badan iyo kala carar, markii la waayey qofka leh gaariga in muddo ah.
Xaaladda ayaa weli kacsan iyadoo la banneeyey agagaarka gaariga laga shakiyey.