Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow la sheegay inuu ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Axmed Dhimbil Casoowe ayaa la sheegay inuu xanuunsanaa, isagoo goor dhoweyd geeriyooday, waxayna wararku sheegayaan inuu u dhintay Cudurka Covid-19.
Allaha u naxariistee Xildhibaan Casoowe ayaa mar soo noqday Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaankii KMG ahaa. Wuxuu muddo 20 sano ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaamka.
Waxaa tacsi u diray madaxda dowladda, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin badan oo sheegay inuu ahaa nin qaran oo dowladnimada qeyb kasoo qaatay.
