Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in goor dhoweyd koox bistloolado ku hubeysan toogasho ku dileen xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanka la dilay ayaa lagu magacaabaa Cismaan Cilmi Boqore, oo hore u soo noqday guddoomiye ku xigeenka Baaramaanka dowladii KMG ahayd, iyadoo muddo dheer soo ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.
Wararka ayaa sheegay in dableyda ka dambeysay dilkiisa ay wateen gaari, waxayna rasaas ooda uga qaadeen Gaari uu la socday, iyagoo baxsaday markii ay dilka geysteen. Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay oo ah degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.