Tuesday, July 15, 2025

DEGDEG: Xildhibaanada oo Cod u qaadaya in Saxaafadda loo ogolaado tebinta fadhiga maanta.

Dood culus ayaa ka dhalatay go’aan uu hore u gaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ahaa in kulanka maanta aanay saxaafaddu goobjoog ka noqon, kaasoo ay ka hor yimaadeen qaar ka mida xildhibaannada.

Arrintan oo dooda ka dhex dhalisay Guddoonka Baarlamaanka iyo xildhibaannada qaarkood ayaa la sheegay inay ka dhalatay culeys ay guddoonka Baarlamaanka saartay xukuumadda, waxaana markii danbe guddoonka lagu qasbay inuu cod u qaado arrinta saxaafadda.

Fadhiga maanta oo Golaha Baarlamaanka ay hor imaanayaan Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga, Guddoomiyaha G/Banaadir iyo taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida ayaa lagu wadaa inay su’aalo adag wajahaan.

Xildhibaannada ayaa cod u qaadaya in saxaafadda ay kulanka qeyb ka noqoto iyo in dibadda loo saaro.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON