Xildhibaankii ugu horeeyay ee ka mid noqonaya Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd lagu doortay magaalada Garowe.
Xildhibaanka ku guuleystay Kursiga kowaad ee oo laga soo doortay Puntland ayaa noqday Cali Yuusuf Cali Xoosh si aqlabiyad ah uga guuleystay musharixii la tartamayay ee Cabdirashiid Xasan Yuusuf, wuxuuna helay 49 cod, halka C/rashiid uu helay 1cod oo qura.
Natiijada kursigan waxaa ku dhawaaqay Guddiga Doorashada Heer Federaal oo Puntland uu u metelayo Siciid Jaamac Qoorsheel, kadibna waxaa shaaciyay Guddiga Doorashada dadban ee Heer Maamul goboleed.
Doorashada ayaa sii socon doonta iyadoo magaalada Garowe lagu dooran doono ku dhowaad 40 xildhibaan oo ka tirsan Aqalka hoose.
Goobjooge.com