War hadda soo dhacay ayaa sheegay in qeyb ka mida Baarlamaanka Galmudug ay kalsoonida kala laabteen Madaxweynaha maamulkaasi C/kariin Xuseen Guuleed.
Kulan magaalada Cadaado uga socday xildhibaanada baarlamaanka Galmudug qaarkood ayaa cod loogu qaaday mooshinkii laga keenay madaxweynaha Galmudug.
Codka la qaaday ayaa la shaaciyay in 54 xildhibaan ay u codeeyeen mooshinka iyo in xilka laga qaado C/kariin Xuseen Guuleed, iyadoo ay kulanka fadhiyeen 54 xildhibaan.
C/kariin Guuleed oo saxaafadda magaalada Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in wax kulan ah aanu ka dhicin Cadaado oo xildhibaanada shiray ay yihiin qas-wadayaal, isla markaana Baarlamaanka ku maqan yahay fasax.
Goobjooge.com