Wararka laga helayo magaalada Dhuusmareeb ayaa sheegay in kulan ay halkaasi ku yeesheen xildhibaano ka tiran Baarlamanka Galmudug iyo kuwii Ahlu suna ee ku biiray ay xilkii ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.
Kulanka Baarlamaanka Galmudug ee fadhigiisu yahay Dhuusamareeb ayaa la sheegay inay kasoo xaadireen 147 xildhibaan, iyadoo laga doodayey mooshinkii laga keenay GuddoomiyeCali Gacal Casir.
Xil ka qaadista Gudoomiyaha ayaa ka sheegay inay u codeeyeen 146 xildhibaan, iyadoo uu ka aamusay 1 Xildhibaan, waxaana sidaasi lagu shaaciyey in xilkii looga qaaday Cali Gacal Casir, sida uu shaaciyey Gudoomiye kuxigeenka koowaad Xareed Cali Xareed oo shirka gudoominayay.
Cali Gacal Casir ayaa hore u sheegay inuusan aqoonsaneyn xildhibaanada Ahlu suna ee fadhiya magaalada Dhuusamareeb, waxayna arrintan imaaneysaa iyadoo Aqalka sare uu shalay ku baaqay in la joojiyo mooshinada ka socda maamul Goboleedyada.