Xoghayaha Baarlamaanka Soomaaliya C/kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa qoraal uu goor dhoweyd soo saaray ku sheegay in Mooshinka xil ka qaadista madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu buray, isagoo sheegay inuusan lahayn shuruudihii looga baahnaa.
Qoraalka ayuu xoghayaha soo saaray ayuu ku sheegay markii ay xaqiijiyeen tirada xildhibaannada saxiixay Mooshinka oo 92 ahayd ay qoraallo ka heleen 14 xildhibaan oo sheegay inaysan saxiixin ama la socon, sidaasina tirada saxiixday mooshinka ay noqdeen 78, taasoo keentay inuu mooshinkaasi buuxin waayo shuruudihii mooshinka Madaxweyne.
Waa markii ugu horeysay ee xoghaye Baarlamaan uu go’aan kasoo saaro Mooshin laga keenay Madaxweyne, wuxuuna qoraalkiisa ka damneeyay qoraal kale oo ay hore u soo saareen labada guddoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka, kuwaasoo mooshinka ku sheegay inuu yahay sharci darro, isla markaana xoghayaha Baarlamaanka ku amray inuusan ku shaqeyn karin go’aano aanu guddoonka u dhammeyn.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA XOGHAYAHA BAARLAMAANKA
