War hadda soo dhacay ayaa sheegay in xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu wakiil cusub us oo magacaabayo Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Xoghayaha guud ee Q/Midoobay Antonio Gutters oo uu akhriyey afhayeenkiisa Farhan Haq ayuu ku sheegay inuu aad uga xun yahay go’aanka dowladda Soomaaliya ka qaadatay wakiilkiisa u qaabilsan Soomaaliya, oo ay caddeysay inaan laga rabin Somalia.
Xoghayaha guud ee Q/Midoobay ayaa sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo Mr. Nicholas Haysom oo uu yahay nin khibrad leh oo aad loo ixtiraamo, kana soo qabtay UN-ka xilal muhiim ah, wuxuuna caddeeyay in arrinta ah ‘persona non grata’ qof aan laga rabin dal, aanay qabanin xubnaha UN-ka ka tirsan, sida ku cad heshiiska diblomaasiyadda ee Viena 1961, balse arrintaasi ay tahay mid loo adeegsado dalalka dhexdooda.
Xogahayaha Guud ee Q/Midoobay wuxuu sheegay in Q/Midoobay aysan ahayn dowlad, dadka mas’uuliyiinta Q/Midoobay ahna, aysan u baahneyn Aqoonsi diblomaasiyadeed , balse ay ka hoos shaqeeyaan xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.
Qoraalka kasoo baxay xoghayaha guud ee Q/Midoobay ayaa lagu sheegay in UNSOM ay u baahan tahay inay sii wado howsha ay ka heyso Somalia si ay u taageero Dalkaasi; sidaas darteedna xoghayaha guud ee Q/Midoobay uu gacanta ku hayo magacaabidda wakiil cusub oo u qaabilsan Soomaaliya.