Wednesday, June 25, 2025

DHACDO YAAB LEH: Maxkamadda Alshabaab oo Xukun Dhagax ku-dil ah ku fulisay Haweenay 11 Nin hal mar isla Guursatay

Dhacdo la yaab leha ayaa laga soo weriyay Gobolka Sh/hoose kadib markii Fagaare ku yaalla degmada Sablaale lagu fuliyey xukun ah in Dhagax lagula dilay haweenay lagu soo eedeeyay gogol-dhaaf.

Maxkamadda Alshabaab ee Gobolka Sh/Hoose ayaa maanta Barqadii xukun rajmi ama Dhagax ku-dil ah ku fulisay haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Shukri Cabdullaahi Warsame oo lagu eedeyay inay mar qura guursatay 11 nin oo aan is ogeyn.

Garsooraha Maxkamadda Alshabaab ayaa fagaaraha ka sheegay xukunka lagu riday Shukri C/llaahi oo sheegay inay qiratay dembiyadii lagu soo eedeeyay oo ahaa inay isla guursatay 11 Nin hal mar, xaaladda caafimaad ee Shukri Cabdullaah Warsame ayaa lagu sheegay inay ahayd mid wanaagsan.

Maxkamadda ayaa sheegtay inay u  sheegtay inaysan wax cudur daar ah laheyn ayna ku qanacsantahay in lagu fuliyo waxa ay kan hesho shareecada islaamka. Dadkii soo xaadiray fagaarihii lagu fuliyey xukunka ayay la yaab ku noqotay arrintan oo ah dhacdo aan weli lasoo werin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON