Madaxweynaha Mareykanka ayaa labada Aqal ee Baarlamaanka Mareykanka u jeediyey khudbadisii sanadlaha ahayd ee 2020-ka, iyadoo ay hareysay mooshinka xil ka qaadistiisa iyo khilaafka kala dhaxeeya mudanayaasha xisbiga Dimoqraadiga.
Khudbadda Trump ee xaladda Midowga Dalka Mareykanka ayuu ka jeediyey qeybta Aqalka Hoose ee xarunta Congresska ee magaalada Washington, DC, isagoo u jeediyey baarlamaanka 116aad ee Maraykanka, laakiin bilowgii khudbada wuxuu Trump iska diiday inuu salaamo hoggaamiyaha Aqlabiyadda Koongareeska ee xisbiga Dimoqraadiga haweeneyda Nancy Pelosi markii ay uu siiyey nuqul ka mida khudbadiisa, isagoo baal maray salaanteedii.
Weji gabax ka dhashay salaantii uu Trump la garab maray Nancy Pelosi ayaa noqotay warka ugu weyn ew warbaahinta Mareykanka faaqideysay iyadoo ka weecatay khudbadii Trump; laakiin markii ay dhammaatay khudbadii Trump ayaa arrin kale oo yaab leh dhacday markii Nancy Pelosi ay jeexjeexday nuqulkii khudbadda Trump, taasoo noqotay warka ugu weyn ee la hadal hayo.
Nancy Pelosi ayaa markii ay jeexjeexday nuqulka khudbadii Madaxweyne Donald Trump waxay ku hordaadisay miiskii ay fadhiday, waxaana ka muuqday inay si weyn uga carootay hab-dhaqankii Madaxweyne Trump kula kacay.
Dagaalka siyaasadeed ee u dhaxeeya xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga oo ay kala hoggaamiyaan Madaxweyne Trump iyo afhayeenka aqalka Kongreeska Nancy Pelosi ayaa u muuqda mid gaaray heer aan hore loo arag, kadib mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha oo ay wadaan Mudanayaasha xisbiga Dimoqraadiga.