Wednesday, June 25, 2025

DHAGEYSO: Afhayeenkii Wasaaradda Amniga xukuumada Soomaaliya oo is casilay

Afhayeenkii Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa is casilay, laba maalmood kadib qarixii weynaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab) ayaa magaalada Kismaayo uga dhawaaqay is casilaadiisa, isagoo sheegay in ay tahay inuusan u jeedin wax hormar ah oo la doonayo in dalka lagu badbaadiyo, wuxuuna tilmaamay in uusan mar walba fiirsan karin in shacab la gumaaday uu ka dul hadlo.

 

Afhayeenkii is casilay  Axmed Maxamed Maxamuud (Carab)
Afhayeenkii is casilay Axmed Maxamed Maxamuud (Carab)

Axmed Carab oo hore u ahaa afhayeenka hay’adaha amniga ee maamulka Jubba ayaa xilkan loo magacaabay aakhirkii Bishii April, waxaana gaabis ahayd shaqadiisa wasaaradda amniga isagoo  u muuqday nin go’doon ah.

Wuxuu hadda dib ugu laabtay magaalada Kismaayo oo uu ku sugan yahay, waxaana la sheegay inay is-casilaadiisa timid kadib kulan uu la yeeshay madaxweynaha Jubbaland.

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON