Mid ka mida odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa sheegay in caawa si shuruud la’aan ah lagu sii deynayo Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo u xiran dowladda Soomaaliya.
Imaam C/llaahi Khaliif Rooble ayaa caddeeyay inay galabta la kulmeen Ra’iiisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyagoo ah odayaasha dhaqanka Hiraab 40 ku dhow, isla markaana ay si cad ugu sheegeen inuu gacantooda soo geliyo C/raxmaan C/shakuur oo aanay jirin wax dembi ah oo uu leeyahay.
“Raiisal wasaaraha waan la kulanay, waxaana u sheegnay inuu gacanteena soo geliyo, haddana mas’uuliyiin badan ayaan nahay, halkaan ayaan ku sugeynaa in dowladda sii deyso, waxba kama jiraan in damiin lagu sii deynayo, nin denbi galay ayaa damiin lagu sii daayaa C/raxmaan wax denbi ah ma laha…” ayuu yiri C/laahi Khaliif.
DHAGEYSO