Monday, June 23, 2025

DHAGEYSO: Cali C/llaahi Cosoble oo u jawaabay Ugaas Xasan, kuna dhawaaqay goobta lagu soo xulayo Aqalka sare

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa sheegay in xubnaha Aqalka sare ee maamulkiisa lagu soo xuli doono Magaalada Jowhar.

Madaxweynaha Hirshabeelle ku adkeystay in nidaamka uu yahay magaalo madaxda dowlad goboleedka lagu soo xulo xildhibaanada, wuxuuna meesha ka saaray eedeyn ka timid Ugaaska Beesha Xawaadle.

“Cida diidan ma shacab baa, mide qof xil doonaya.?” ayuu is weydiiyay wuxuuna sheegay inuusan arkin cid diidan maamulkiisa. “Anigu ma arkin cid dhaliishan, qofkii maamul in la sameeyo diidan, mana ogi, ma arkin Ugaas ka careysan sidee maamul loogu dhawaaqay ma arkin, Ugaaskeygana wax aan wanaag ahayn oo na dhex maray ma jiraan…” ayuu yiri Cali C/llaahi Cosoble.

Ad

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa shalay ka sheegay magaalada Beledweyne in reer Hiiraan loo diiday inay xushaan xildhibanadooda kuna xushaan magaalada Beledweyne. Isagoo ka hor yimid qaabka loo qeybiyay xubnaha Aqalka sare.

Dhageyso codka Madaxweynaha Hirshabeelle

Goobjooge.com

- Advertisement -

http://goobjooge.com/dhageyso-ugaas-xasan-anigoo-beledweyne-dhex-taagan-ayaa-la-yiri-diyaarad-ayuu-u-saaran-yahay-jowhar/

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON