Thursday, July 17, 2025

DHAGEYSO Cali X. Warsame oo kashifay sirtii doorashada Farmaajo & Ceebtii raacday maamul Goboleedyada

Musharaxii xilka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Cali Xaaji Warsame oo looga guuleystay doorashada ayaa eedeyn u jeediyay madaxda maamul goboleedka Puntland.

Isagoo wareysi siiyay Warbaahinta SBC ayaa Sheegay in doorasho wanaagsan ay dhacday, basle Caqabado Badan ay Soo martay, wuxuuna caddeeyay in doorashadaasi ka turjumeyso, dareenka iyo rabitaankii Shacabka Soomaliyeed, oo Xiligan doonaya Hogaan Wanaagsan Oo Daacad ah.

Joogitaanka hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada ee Muqdisho marka laga reebo Madaxweynaha Jubbaland ayuu sheegay inay aheyd ayaandarro weyn oo u soo hoyatay Madaxda Maamuladaasi, si Gaar ah wuxuu sheegay in madaxda Puntland ay dano gaar ah u tageen Muqdisho oo olole xoog leh ka waday doorashada.

“Madaxdii Puntland ma awoodin inay musharixiintii Puntland ka socday ay mideeyaan ama isu keenaan, ceeb weyn ayay ku ahayd Puntland iyo maamulada kale inay dhex galaan doorashada oo ay maamulkii hore soo celiyaan…” ayuu yiri Cali Xaaji inay wax laga xanuunsado ay ahayd madaxda Puntland olole doorasho wade ka noqdaan Muqdisho.

DHAGEYSO

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON