Shirkii Madasha Wadatashiga Qarana ayaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Bay, waxaana kasoo baxay qodobo dhowr ah oo la isku afgartay.
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed oo dib ugu laabtay magaalada Cadaado ayaa sheegay in qodobada laga hadlay ay ka mid ahaayeen:
- Liiska Odayaasha soo xulaya Ergada ka qeyb gaaleys Shirka,
- Ansixinta Guddiyada doorashooyinka iyo shaqadooda
- Ansixinta Guddiga xallinta khilaafaadka iyo howlaha ay qabanayaan
- Arrinta Gobolka Banaadir oo Guddigii loo saaray mudadiisa lasoo yareeyay.
- In Madasha shir kale yeelato 20-ka Bisha July.
Odayaasha soo xulaya Ergada ka qeyb galeysha Shirka ayaa lagu sheegay in ay ahaanayaan 135-tii Oday ee 2012-kii, waxaan laga reebay kaliya kuwa geeriyooday.
DHAGEYSO MADAXWEYNAHA GALMUDUG
Goobjooge.com