Saturday, June 28, 2025

DHAGEYSO: C/raxmaan Faroole: “Xasan Sheekh haddii uu soo laabto waa in lala shaqeeyaa…”

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa ka duulay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland isagoo ku soo jeeda magaalada Muqdisho.

Isagoo saxaafadda la hadlay intii aanu ka dhoofin magaalada Garowe ayuu sheegay inuu  weli yahay musharax u taagan xilka madaxweenaha, wuxuuna sheeg in loo baahan yahay ninkii xilkaasi ku soo baxa in lala shaqeeyo.

“Haddii Xasan Sheekh laga helo waa inuu xilka banneeyaa, sidii aan aniguba sameeyay, haddii uu soo laabtana waa in lala shaqeeyaa…” ayuu yiri C/raxmaan Faroole oo hore si weyn u diidaa inuu Xasan Sheekh soo laabto.

Wuxuu ugu baaqay Ganacsatada Muqdisho inay taageero u diraan dadka abaartu ku dhufatay ee Puntland, isagoo sheegay in Muqdisho ay lacag badan taallo, wuxuuna caddeeyay in hore dadka Muqdisho ay ugu gurmadeen duufaantii Sunami, laakiin xilligan ay xaaladu ka darran tahay.

Faroole ayaa sheegay inuu ku wajahan yahay magaalada Nairobi, kadibna uu Muqdisho tegayo, isagoo ka qeyb galaya doorashada Guddoonka Baarlamanka Soomaaliya.

DHAGEYSO FAROOLE

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON