Wednesday, June 25, 2025

DHAGEYSO: Dood aad u kulul & murankii ka dhacay kulankii lagu kala tegay ee Baarlamaanka

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka  oo maanta sugayay inay hor yimaadaan Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxmaxed iyo Taliyaha Nabadsugidda C/raxmaan Tuuryare ayaa ka gadooday oo qeylo dhaan ka keenay markii ay soo xaadiri waayeen labadaasi mas’uul oo su’aalo kulul ay u diyaarsadeen oo quseeya arrimaha Amniga dalka iyo tacadiyo loo geystay xildhibaanada Baarlamaanka.

Dhow xildhibaan oo ay ka dhex muuqdaan Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa ka hadlay xaalada Baarlamanka iyo sida go’aanadiisa u socon waayeen, inta aanu shirku sidaasi ku xirmin oo lagu kala tegin.

Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa ka baaqsaday shirkii maanta oo sida la filayo uu ka war hayay arrintan, waxaana guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Mahad Cabdalla ku qasbanaaday inuu xiro shirka.

Dhageyso codadka xildhibaanda

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON