Burhaan Aadan Aw-cabdi oo ka mid ah xildhibaanada gollaha wakiiladda Puntland ayaa ku eedeeyay madaxda Puntland inay qeyb ku leeyihiin Makiinada sameysa lacagta Faalsada ah ee Puntland.
Wuxuu sheegay in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Guddoomiyaha Barlamaanka Axmed Cali xaashi iyo Guddoomiye K/xigeenka Barlamaanka Puntland C/xamiid sheekh Cabdisalaan inay saami ku leeyihiin Makiinadda lacagta shilin Somaliga Faalsada samaysa, islamarkaana ay masuul ka yihiin dhibaatada ka taagan Puntland.
Xildhibaankan Waraysi ayuu siiyay Radio Daljir ayaa yiri: “Waxaas oo dhibaato waxaa ka shaqeeyay dadkii sameeyay lacagta been-abuurka, foojariga dadkii sameeyay ayaa masuul ka ah, Masuuliyiinta Sare sare ee Puntland ayaa masuul ka ah, Madaxweynaha ayaa kow ka ah, guddoomiyaha barlamaanka iyo k/xigeenkiisa ayaa saami ku leh (shareholder), annagaa sheegaynaa Guddoomiyaha iyo Kuxigeenkiisa ayaa makiinada lacagta daabacda ku jira, wixii dhacay oo dhan iyagaa ka masuul ah”
Dhageyso