C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) oo ku laabtay magaalada Garowe ayaa ceebeeyay madaxda maamul goboleedyada dalka.
Wuxuu ugu baaqya inay culeyska ka dhaafaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayna ceeb ugu filan tahay ololihii doorashada.
Sababta uu Muqdisho uga tegay ayuu sheegay inay tahay inuusan culeys ku noqon madaxweynaha cusub, oo cid waliba ay xilal ka dooneyso, fursadna la siiyo si uu u soo xusho Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Wuxuu dardaraan adag u jeediyay madaxda maamul goboleedyada isagoo uga baaqay inay waxqabad la yimaadaan oo dadka abaartu heyso wax u qabtaan.
DHAGEYSO FAROOLE
Goobjooge.com