Maamulka Puntland ayaa diiday furitaanka guddiyo ka kala socda labada maamul ee Galmudug iyo Puntland ka yeelan lahaayeen xaaladda magaalada Gaalkacyo.
Wasiirka Amniga Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed) oo ka mid ahaa wafdi Galmudug u dirtay Gaalkacyo si ay ula kulmaan dhigooda Puntland ayaa shaaciyay in Puntland aysan diyaar u aheyn wadahadal iyo nabad ka dhacda magaalada Gaalkacyo kadib markii ay diiday inay la fariisato ama is arkaan labada guddi.
Wasiirka ayaa ka digay inaysan jiirn cid gaara oo nabadda Gaalkacyo dan ugu jirto, isla markaana aysan jirin sabab ay nabad uga baryaan Puntland, balse baaqoodu yahay nabad ayna is xakameynayaan.
DHAGEYSO WASIIR TAARDHULEED
Goobjooge.com