Thursday, June 26, 2025

DHAGEYSO: Go’aanadii kasoo baxay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaasi oo maanta waqti badan qaatay.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed guuleed (Qadar) ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen Arrimaha amniga, xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada iyo warbixino laga dhageystay Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Golaha ayaa marka hore waxa ay si weyn uga hadleen arrimaha amniga, taasi oo Dowladdu ay sheegtay in ay dar dar gelineyso ammaanka guud ee dalka iyo xasilinta caasimadda.

Golaha Wasiirada ayaa qiray in ay xiriir wanaagsan la leeyihiin Wasaaradaha Dowlad goboleedyada, gaar ahaan Wasaaradaha Qorsheynta, Warfaafinta, Waxbarashada, Arrimaha Gudaha, Dastuurka, Maaliyadda, Dhalinyarada iyo Isboortiga, Amniga, Ganacsiga iyo kuwo kale.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa waxa ay qireen Xukuumadan uu Ra’iisul Wasaaraha ka yahay Xasan Cali Khayre in ay tahay xukuumad ku dhisan isla xisaabtan, islamarkaana kordhisay xiriirka iyo wada shaqeynta.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Golaha Wasiirada Soomaaliya la soo gaarsiiyay in Taliyihii Ciidanka xoogga dalka Axmed Maxamed Jimcaale Gen. Cirfiid uu is casilay, kadibna Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Golaha Wasiirada uu horkeenay talo soo jeedin ku aadan Taliyaha xoogga dalka, maadaama booska uu banaanaaday in Sareeye Gaas C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) loo magacaabo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka, dood dheer iyo falanqeyn kadib Golaha Wasiirada ayaa ogolaaday in Gorod uu noqdo Taliyaha Ciidanka xooga dalka.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in uu is casilay Wasiirkii Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed, sababo isaga u gaar ah awgeed, Golahana ay ka aqbaleen codsigiisa.

DHAGEYSO WASIIRKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON