Tuesday, June 24, 2025

DHAGEYSO: Madaxweyne Farmaajo oo jeediyay Khudbadii ugu kululeyd & Digniino uu kala diray

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbadii ugu kululeyd ka jeediyay isu soo bax lagu taageerayo Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Studium.

Bannaanbaxa oo lagu xusayay munaasbadda 100-maalin guurada markii uu talada qabtay ayuu khudbadiisa ku sheegay inuu balanqaaday soo celinta rajada Soomaaliyeed oo ah NABAD IYO NOLOL ayna saldhig u tahay in danta shaqsiga gaar la iska dhigo.

“Waxaan idin keenay Ra’iisal wasaare iga wanaagsan, Ra’iisal wasaarahuna wuxuu keenay wasiiro ka wanaagsan,… wixii aan balanqaaday waxaa kow ka ahaa ammaanada oo ah wixii ay no dhiibateen aan si fiican idinku maamulno oo aan la dagaalanno musuqmaasuqa… waanan idin fuliyay…” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa ugu hanjabay askari kasta oo tirsan Ciidamada dowladda inuusan waxyeelo u geysan karin shacabka haddii ay waxyeelo geysanna  tiirka la geyn doono.

Wuxuu caddeeyay in cadaaladda la soo celinaya oo Caddaalad darro aan loo dulqaadan karin,  wuxuuna garsoorayaasha u sheegay in xabsi loo taxaabi doono haddii ay sharciga ku xad gudbaan.

DHAGEYSO KHUDBADDA FARMAAJO

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON