Musharaxa u taagan xilka guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibi) ayaa balanqaad la yaab leh u sameeyay xildhibaanada Baarlamaanka.
Xildhibaan Ibi ayaa u balanqaaday in haddii loo doorto xilka Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya uu xildhibaan weliba siin doono IPAD, wuxuuna intaas ku daray in arrintaasi looga kaaftoomi doono dhibaato ka jirtay isgaarsiinta Baarlamaanka dhexdiisa.
Arrintan ayaa xildhibaanada qaarkood u arkeen laaluush uu bannaanka la soo istaagay Prof. Ibi oo ku dooday in IPAD loogu diro Email-da, laguna diyaarinayo Ajandayaasha kulamada Baarlamaanka.
DHAGEYSO