Musharaxa Madaxweyne Xasan Sheekh maxamuud oo ka mida musharaxiinta u taagan xilka hogaanka sare ee dalka ayaa balanqaad cusub u sameeyay dadka Soomaaliyeed.
Isagoo ka hadlayay xaflad lagu taageerayay musharaxnimadiisa ayuu sheegay inuu u balanqadaayo shacabka Soomaaliyeed saddex qodob oo uu doorashada ku gelayo.
Saddexda Tiir ee cusub oo Xasan Sheekh la soo shir tegay ayaa kala ah:
- Dhismaha Hay’adaha Amni oo hanan kata ammaanka Dalka
- Dhameystirka Federaaleynta dalka oo u adeeganaya danaha dadka
- Dhismaha Nidaam Siyaasadeed oo Qaran
Saddexdan Qodob ee cusub ayaa u muuqd inay bedeli doonaan Lixdii Tiir ee Xasan Sheekh hore ku galay doorashadii 2012 oo uu ku guuleystay
DAAWO SAWIRRO
DHAGEYSO
Goobjooge.com