Maamulka Puntland ayaa jawaab kulul ka bixisay eedeyntii uga timid maamulka kale ee Galmudug oo ku eedeeyay inay hubeyneyso kooxda Ahlu suna isla markaana abaabul dagaal ka wado degaanada Galmudug. (Akhri Warsaxaafadeedka madaxweyne ku xigeenka Galmudud).
Wasiirka warfaafinta Maamul Goboleedka Puntland Maxamuud Xasan Soo-cade ayaa beeniyay eedeeynt uga timid Maamulka Galmudug ee Gobolada Dhexe, wuxuuna sheegay inay tahay warar aan jirin in Maamulka Puntland uu wado qorshayaal loogu soo horjeedo Galmudug.
Soocade wuxuu beeniyay in Puntland iyo Maamulka Ahlusuna ay xiriir wada leeyihiin, isagoo si cad u sheegay in wararka kasoo yeeray dhinaca kale ay yihiin waxba kama jiraan. isagoo maamulka Galmudug ku sheegay inuu ahaa mid gacan-ku-rimis ah oo dastuurka aan waafaqsaneyn.
DHAGEYSO WARKA WASIIR SOO-CADE
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]