Tuesday, July 15, 2025

DHAGEYSO QISO XANUUN LEH: Aabe Naafo ah oo laba Caruur ah ku waayay Qaraxii Muqdisho

Qisooyinka murugada leh ee laga qoray Qaraxii musiibada ahaa ee Muqdisho waxaa ka mida aabe naafo ah oo laba ilmood oo uu dhalay ku waayay qaraxa.

Aabahan oo lagu magacaabo Cumar Xaaji Maxamed ayaa qaraxa ku waayey 2 caruur oo kala ahaa Bashiir Cumar Xaaji oo 17 sano jir ahaa iyo Maryan Cumar Xaaji oo 16 sano jir ahayd, waxayna ahaayeen arday aabahood ka bedeli jiray Sandaqad ama Tabakaayo yar oo uu ku heystay Laamiga Soope halkaasoo ganacsi yar uga furnaa.

Wuxuu qaraxa dhacay kadib markii ay labada qof aabahood ka bedeleen Tabakaayada xilligii uu nasan jiray e galabnimo, waxaana goobta ka dhacay qarixii weynaa oo lagu waayay Bashiir iyo Maryan.

Aabahaasi oo ah Nin naafo ka ah labada lugood ayaa aanan weli ka samrin inuu helo haraadiga maydka ilmihiisa ayaa maalmahan baadigoob ugu jiray raq iyo ruux, iyadoo goobta ganacsiga yar ku yaallay aanay suuragal ahayn in qof ku noolaado.

Qiska xanuunka leh ee Aabe Cumar Xaaji Maxamed waxay mudan tahay in loo istaago sidii looga caawin lahaa inuu mar kale noloshiisa maareeyo waxayna ka mid tahay kuwa dareenka gaarka ah reebay ee xanuunka leh.

DHAGEYSO WAREYSIGA VOA

FADLAN CAAWI AABE CUMAR XAAJI MAXAMED
kala xiriira Mobile: 0615851422 / haddii aad dibadda ku sugan tahay +252 615851422

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON