Ra’iisal wasaaraha cusub ee oomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shaaciyay qorshihiisa maalmaha oo socda iyo waxyaabaha uu qaban doono.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa kadib kulan uu la yeeshay Guddiga Gurmadka Abaraha ayuu shaaciyay in howlaha ugu muhiimsan ee uu qaban doono maalmaha soo socda ay noqon doonto arrinta abaaraha dalka aafeeyay.
Wuxuu sheegay in lagu soo wargeliyay 48-kii saac ee lasoo dhaafay in dad ka badan 110 qof ay u dhinteen Abaaraha ka jira Soomaaliya, siiba Gobolada Bay iyo Bakool.
DHAGEYSO
Goobjooge.com