Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa digniin hordhac ah kasoo saaray arrinta musuqmaasuqa baahay ee dalka ka jira.
Kadib markii uu codka kalsoonida ka helay Baarlamaanka Federaalka ayuu Xasan Cali Kheyre sheegay in sharciga la marsiin doono cid kasta oo ay ku caddaato musuqmaasuq, sidoo kalena qofka aan loo fiirin doonin inuu mas’uul yahay iyo inkale.
Wuxuu caddeeyay in xukuumadiisa ay dagaal xoog leh la geli doonto sidii loo baabi’in lahaa musuqmaasuqa dowladda dhexdeeda.
Hadalka ra’iisal wasaaare Kheyre ayaa la mida war uu hore u sheegay madaxweynaha oo sheegay in la arki doono wasiir ka tirsan dowladda oo musuqmaasuq loo xiray.
DHAGEYSO RA’IISAL WASAARE
Goobjooge.com