Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa ka hadlay natiijadii doorashada Gudoomiye ku xigeenada Baarlamaanka ee maanta lagu kala baxay.
Wuxuu sheegay in guuldarrada Faarax Sheekh C/qaadir Digniin ‘Jaalle’ la siiyay kooxda Damjadiid, isla markaana ‘Roosaha’ la siin doono Xasan Sheekh Maxamuud oo u sharxan Xilka madaxweynaha.
Wareysi uu siiyay Radio Dalsan ayuu ku sheegay in Doorashooyinka dhacay labadii maalmood ee ugu danbeysay ay rajo fiican ka soo baxday, laguna farxay.