Taliye ku xigeenkii hay’adda sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Soomaaliya ee howlgallada oo dhowaan is-casilay ayaa kashifay xog fara badan.
Cabdisalaan Yuusuf Guuleed oo muddo 4sano ah xilka hayay ayaa ka hadlay sababta keentay inuu is casilo, wuxuuna bannaanka soodhigay arrimo fara badan oo ku xeeran ciidamada ammaanka iyo hab dhaqanka madaxda dowladda Federaalka.
Wuxuu ku doodayin laga gaabiyay isbeddel lagu sameeyo hay’adaha amniga Soomaaliya, isla markaana musuq-maasuq iyo ku takrifal awoodeed oo baahsan ay ka dhex jiraan hay’adaha amniga ee dalka.
DHAGEYSO WAREYSIGA VOA