Sunday, July 13, 2025

DHAGEYSO TARSAN: “Alshabaabka la qabtay waa in degdeg loo toogto oo meydkooda la suro Shabelle..”

La-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Axmed Nuur Tarsan ayaa ku baaqay in degdeg loo toogto, meel fagaare ahna la suro meydadka maleeshiyada Alshabaab ee lagu qabtay Hotelka Naasahablood 2.

Mudane Tarsan oo ka mida la-taliyeyaasha Madaxweynaha Soomaaliya, horena u soo ahaa guddoomiyaha G/Banaadir ayaa saxaafada u sheegay in caddowga kaliya ee Soomaaliya leedahay uu yahay Alshabaab.

La-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Axmed Nuur Tarsan
La-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Axmed Nuur Tarsan

“Lama jooga xilligii la is eedeyn lahaa oo faraha la isku taagi lahaa, waxaan codsanayaa in mujiriimta la qabtay ee Alshabaab la dedejiyo dhiigoodana la daadiyo, meydkoodana la suro Sarta Shabeelle, sababtoo ah diinta ayaa na fareysa..” ayuu yiri Tarsan oo sheegay inaan dheg loo dhigin reer Galbeed iyo hay’ado xuquuq insaan.

Wuxuu kaloo hay’adaha amniga ugu baaqay in xaasaska iyo caruurta laga saaro magaalada, ayna tahay inaan waxba la dhowran.

DHAGEYSO TARSAN

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON