Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa si kulul uga hadlay xaaladda ammaanka magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa sheegay inaysan suuragal ahayn in magaalada dhexdeeda siiba suuqa Xamarweyne lagu dilo dad mas’uuliyiin ah maalin cad iyadoo aan waxba laga qaban oo lagu doodo in dib laga soo sheegayo, lana baarayo.
“Haddii aan wixii dhacay tallaabo ka qaadi weyno ogaada dad badan ayaa xilkooda ku weyn doona, Axadda ayaan halkan imaan doonaa, laba maalin ayaad heysataan, waan inaan Axadda u gudbinaa wixii aan qabanay…” ayuu yiri wasiirka oo si kulul u sheegay inuu laf ahaantiisa xilka ka tegi doono.
“Haddii aan dad loo xirin oo xilkooda ku weynin anigaa xilka ku weyn doona, aniga xilkan uma qaadin inaan iska fariisto xafiika, oo Baabuur isaga socdo..” ayuu si cad u yiri wasiirka isagoo sheegay inaab la iska yeeleynin shaqaaqooyin iska dhaca iyadoo aan wax laga qaban, magaaladii oo dhanna la xiro oo dadka ciriiri la geliyo.
DHAGEYSO WASIIRKA AMNIGA
