Wasiirka Wasaaraddda Amniga Xukumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa faahfaahin ka bixiyay horumarka laga gaaray amniga iyo sidii ciidamada ay AMISOM ugala wareegi lahaayeen waajibaadka amniga.
Wuxuu sheegay wasiir Islow inay meel wanaagsan marayaan howgallada Amniga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo Gobolada kale ee dalka, Isagoo intaas ku daray in wax badan ay ka hirgaleen Qodobadii kasoo baxay shirkii london ee looga hadlay Arrimaha Amniga Soomaaliya.
Wasiirka Amniga ayaa sheegay in la tiro koobay ciidamada Booliska iyo Amniga, wuxuuna caddeeyay in askari kasta oo boolis ah la diiwaan geliyay macluumaadiiska, isla markaana la qiimeeyay baahida Boolisku qabaan, kaasoo ah wixii ka fulay qorshihii Shirkii London.
Ciidamada Booliska ayuu sheegay inay la wareegeen Xarunta Jaamcadda Umadda ee Muqdisho oo ciidamo Burundi ah ay ku sugnaayeen, ayna diyaariyeen ciidamo kale oo AMISOM la wareegaya xarumaha ay ka baxayaan.
Wasiirka Amniga ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Jarmalka uu taageerayo ciidamada booliska, halka dowladda UK ay taageero siin doono ciidamada NISA, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay taageeraan lana shaqeeyaan ciidamada ka shaqeynaya ammaankooda.
DHAGEYSO WASIIRKA