Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka dhacay isu soo bax ay soo qabanqaabiyeen dhalinyarrada Muqdisho oo muujinayay sida ay u diidan yihiin dilkii dhowaan loo geystay Marxuum Maxamed Maxamuud Sheekh Cali oo ahaa Hal-Abuure Ganacsi oo caan ka ahaa Muqdisho.
Dhalinyaradda oo ay ka dhex muuqdeen Marxuumka saaxiibadiis iyo dadweyne u badan dhalinyaro waxayna socodkooda ka bilaabeen halkii ay halkii lagu dilay Marxuumka ee Barxadda Baarka Spaghetti House, degmada Hodon ee ee magaalladda Muqdisho.
Bayaan ay dhalinyarada akhriyeen gabagabadii bannaanbaxooda ayay dowladda Soomaaliya ka dalbadeen in muddo 72 saacadood lagu soo qabto dadkii ka danbeeyay dilka Maxamed Maxamuud Sheekh Cali, isla markaana cadaaladda la horkeeno.