Wednesday, July 2, 2025

Dhalinyarro careysan oo bannaanbax Careysaan ka dhigay magaalada Muqdisho iyo Rasaas loo adeegsaday

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada dhugdhugleyda ee loo yaqan Fekon-ta ee aya maanta bannaabax careysan ka dhigay caasimadda Muqdisho, iyagoo xirtay Isgoyska muhiimka ah ee KM4.

Darawallada Mooto Fekon-ta ayaa ka cabanaya lacago baad ah oo ay sheegeen in laga qaado iyo jirdil ay u geystaan in ciidamada amniga dowladda Soomaaliya, taasoo ay u adkeysan waayeen.

Dhalinyaradan ayaa hakisay isku socodkii gaadiidka, iyadoo Ciidamada ammaanka oo isku dayey inay kala eryaan ay u adeegsadeen rasaas, taasoo keentay in qaarkood la baacsado, wuxuuna isgoyska isku bedelay goob dagaal.

Mid kamid dhalinyarada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in habeennadii la saaro xayiraad, isla markaana ay ka shaqeysan waayeen ciidamada jooga baraha kontaroolada. “Askar khaa’iimiin ah ayaa waddada noo taagan xalay Xaaji Baasto ayaa laygu qaybtay, waxaana la’ isoo daayay lix saac oo saq-dhexe ah, koorsadana waa layga dajiyay ma i qabataa?” ayuu yiri mid kamid ah dhalinyaradaas.

Waxay dhalinyaradan farriin culus u direen madaxda Dowladda Soomaaliya, iyagoo ka dalbaday inay arrintooda wax ka qabtaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON