Wednesday, October 5, 2022

Dhaqaalihii Somaliya ka heli jirtay Hay’ada IMF oo Bishan istaagaya iyo Codsi degdega oo loo diray

Bishan aynu ku jirto ee May 2022, waxa isaagaya dhaqaalihii kabka miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya ee Hay’adda Lacagta Adduunka IMF, oo lagu maalgeliyo bixinta Mushaarka Ciidamada soomaaliya iyo adeegyo kale.

Mashruucan ayaa xilligiisu dhamaanayaa haddii aysan Soomaaliya jirin dowlad cusub oo la doortay ka hor Bisha May si ay dib ugu eegto shuruudaha iyo Heshiiskaasi 17ka May 2002, Wxayna IMF ka digtay bishii Febraayo 2022 in mashruucan istaagi doono haddii aanay Soomaali ka dhalan dowlad cusub oo dib u eegta cusbooneysiinta heshiiska ka hor May 2022.

Madaxa hay’adda lacagta adduunka u qaabilsan Soomaaliya Laura Jaramillo ayaa dhowaan sheegtay in Mashruuca Kabka Miisaaniyada Soomaaliya oo socday muddo saddex sano ah ayey Soomaaliya ku heshay lacag ku dhow ​​400 oo milyan oo dollar, waxaana qeyb ka ah heshiiska lagu dhimayo deymaha Soomaaliya lagu leeyahay oo ka badnaa 5 bilyan oo doolar.

Ad

Iyadoo weli ay socoto Doorashada Madaxweynaha oo la muddeeyay 15-ka bishan May 2022, ayaa Xukuumadda xilgaastiinta Soomaaliya waxay qoraal codis ah u diray Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF inay dib u dhigto barnaamijka ay dib u eegista ugu sameyneyso dhaqaalaha dalka, iyadoo laga dalbaday iney mudo kordhinn 3 bilood ah sameeyaan oo la gaarsiiyo 17-ka Augosto, 2022-ka.

Qoraalka codsuga waxaa wadajir ah u saxiixay Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, waxayna sababa uga dhigeen sheegeen dib u dhacyada ku yimid Doorashada dalka oo saameysay howlihii ay qaban lahaayeen oo ay qeyb ka tahay iney sameeyaan dib u eegis tan iyo November 2020.

Codsiga Soomaaliya ayaa waxaa go’aan ka gaaraya hoggaanka Hay’adda IMF, lamana oga inay aqbali doonaan iyo in kale, waxayna arrintan ka mid tahay dhaxalka dowladii uu hjoggaaminayey Farmaajo oo dalka gelisay qalalaase iyo doorashadii ugu dheereyd ee jiitanta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,001FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,002FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON