Mid ka mida dhaqaatiirta ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa ka badbaaday qarax lagu khaarijin lahaa oo loogu xiray gaarigiisa, balse dhaawac kasoo gaaray.
Dhaqtarka ooo lagu magaaabo Dr. Xersi Dhiblaawe ayaa lala beegsaday qaraxa, wuxuuna xarun xaafimaad ku leeyahay magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakisha Booliiska, wuxuuna gaariga qarxay xilli uu marayay agagaarka xarunta Socdaalka ee degmada Hodan.
Dhaqtarka oo caan ku ahaa cudurradda Wadnaha si weyna looga yaqaan magaalada ayaa dhaawac culus soo gaaray , wuxuuna lugtiisa Midig ku waayay qaraxa loogu xiray gaarigiisa, iyadoo la dhigay mid ka mida isbitaaladda Magaalada Muqdisho.
Alshabaab ayaa sheegtay qaraxa lala beegsadya dhaqtarka iyagoo ku dooday inuu ka tirsanaa Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya, taasoo la sheegay inaysan xaqiiqo ahayn.
Goobjooge