Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Prof. Salah C/llaahi Cumar oo ahaa dhaqtar caan ka ahaa Soomaaliya.
Dr. Saalax ayaa ahaa dhaqtar ku takhasusay cudurrada haweenka, wuxuuna muddo dher ka shaqeynayey magaalada Muqdisho, isagoo ka howgeli jiray Isbitaalka Macaani, isagoo ku caan baxay samafalka iyo badbaadinta hooyada Soomaaliyeed.
Prof. Salah C/llaahi Cumar ayaa xalay ku geeriyooday gurigiisa Magaalada Muqdisho, isagoo jiiga, Waxaana tacsi u diray bahda Caafimaadka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin kala duwan oo geeridiisa ka hadlay.
Guddiga qabanqaabda aaskiisa ayaa sheegay in Salaada Janaasada lagula dukan doono Xaafadda Daarusalaan, kadib Salaadda Casir.