Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga dejiyay qaar ka mida dhaawacyada dagaalka ka socda magaalada Laas-Caanood ee Gobolka Sool, si loogu daweeyo Isbitaallada caasimadda.
Diyaarad siday ku dhowaad 20 qof oo dhaawac ah ayaa ka degtay Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay Xubno katirsan labada Golle ee dowladda ee dowladda Federaalka.
Waxaa dhawacyada lagu qaaday Gaadiidka gurmadka degdega, iyadoo la geeyay isbitaallada Magaalada Muqdisho. Dhaawacyada Maanta la keenay Muqdisho ayaa waxaa ka mida kuwo culus, waxayna ku dhaawacmeen duqeynta magaalada Laascaanood ka socota.
Sidoo kale waxaa shalay magaalada Garowe ka degtay diyaarad sida deeq Dawo oo Hay’adda maareynta Musiibooyinka dowladda Federaalka ugu talogashay isbitaallada Garowe ee ay yaallaan dhaawacyada laga keenay Laascaanood.