Sunday, June 22, 2025

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga oo taageero u ballanqaaday Dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad kulan kula yeeshay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdicasiis.

Kulanka labada mas’uul ayey madaxtooyada Soomaaliya sheegtay in Dhaxal-sugaha iyo Ra’iisal wasaaraha Sacuudiga uu muujiyey inuu diyaar u yahay taageero buuxda oo Sacuudigu la garab istaagato dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa labada dhinac looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, xasilloonida gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan labada shacab ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Ad

Wakaalada wararka Sacuudiga aya asheegtay in intii ay socday kulanka dib u eegis lagu sameeyay dhinacyada xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dhinacyada kala duwan.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin C/casiis waxaa kulanka ku wehliyey Amiir C/casiis Bin Salmaan Bin C/casiis oo ah Wasiirka Tamarta, Boqorka Turkiga, Amiir Turki Bin Muhammad bin Fahad bin Abdulaziz oo ah Wasiiru Dowlaha iyo Xubin ka tirsan Golaha Wasiirada, Amiir C/casiis Bin Turki Al-Faysal, Wasiirka Isboortiga iyo Boqortooyadda Amiir Cabdulcasiis bin Sacuud bin Nayef bin Abdulaziz, iyo xubno kale.

Soomaaliya waxaa kulanka Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga Saalim Macow Haji, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Soomaaliya u joogta Masar Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar, La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Dahir Maxamuud Geelle, ku-xigeenka agaasimaha guud ee madaxtooyada Muxamed Amiin Sheekh Cusmaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON