Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa qiray in Israa’iil ay xaq u leedahay in ay dal yeelato, isla markaana ay ay tahay in Israa’iil iyo Falastiin ay yeeshaan laba dhul oo ay kala leeyihiin.
Arrintaas ayaa noqoneysa markii ugu horeysay ee hoggaamiye Carbeed oo Yuhuudda u aqoonsada inay leedahay dhulka Falastin ee ay xoogga ku qabsatay, iyadoo ka hor imaaneysa mowqifyadii Sacuudiga ka taagnaa qadiyadda Falastiin.
Amiir Maxamed-ka 31 sano jirka ah ee uu dhalay boqorka hadda ka taliya Sacuudiga ayaa loo arkaa nin Mareykanuku wato oo doonaya inuu Sacuudiga isbedel weyn ka sameeyo, wuxuuna xiriir dhow la sameysanayaa Israa’iil. Wargeyska Maraykanka ka soo baxa ee Atlantic ayuu u sheegay in Falastiiniyiinta iyo Israa’iilba ay si siman ugu qalmaan in ay yeeshaan dhul ay leeyihiin.
Sacuudigu si rasmi ah uma aqoonsana dawladda Israa’iil, laakiin waayadan dambe waxaa soo hagaagayay xiriir qarsoon oo ay yeesheen iyagoo iska kaashanaya halis ay sheegeen inay uga furan tahay Iiraan.