Madaxweynaha Galmudug, Cabdikarim Xuseen Guuleed oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Cadaado ayaa ka hadlay xaalada dagaal iyo maleeshiyada Al-Shabaab ee galay degaanada Puntland.
C/kariim Xuseen wuxuu sheegay Galmudug ay diyaar u tahay inay Puntland iska kaashadaan dagaalka al-Shabaab iyo sidii looga adkaan lahaa, loogana hortegi lahaa halistooda, wuxuuna caddeeyay in Alshabaab fara badan ay ku qulquleen goboladda Dhexe.
Waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in duqeymihii ka dhacay koonfurta Soomaaliya ee la beegsaday Al-Shabaab ay ugu wacan tahay inay u cararaan dhanka Puntland iyo Galmudug.
Halkan ka dhageyso codka Cabdikariim Guuleed
Goobjooge.com