Tuesday, June 24, 2025

Dhismaha Guddi la-dagaama Musuqmaasuqa oo la ansixiyay [Xisaabxirkii 2015/2016 & oo duudub loo qaatay]

Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta ansixiyay xisaab xirka labadii sano ee xukuumadda Cumar C/rashiid 2015 iyo 2015 iyo sharci kale oo muhiim u ah la-dagaalanka musuqa.

Kulankii maanta ay yeesheen mudanayaasha Golaha shacabka ayaa cod  loogu qaaday Xisaab Xirkii sanadka 2015-ka, waxaana ogolaaday 142 Mudane, iyadoo ay diideen 11 mudane, ahlka ay ka aamuseen 3 Xildhibaan.

Waxaa kaloo cod lo oqaaday Xisaab xirkii 2016, iyadoo ay ogolaaday 141 xildibaan, waxaa diiday 12 mudane, halka ay ka aamuseen 3 xildhibaan.

Dhinaca kale xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa cod u qaaday isla maanta  Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga madaxa bannaan ee la-dagaalanka musuqmaasuqa, waxaana u codeeyay 141 mudane, mana jirin cid diiday ama ka aamustay.

Wasiirka Cadaallada xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiir ku xigeenka Maaliyadda ayaa Baarlamaanka uga mahad celiyay ansixinta xisaabxirka iyo Shacriga dhismaha Guddiga la-dagaalanka musuqa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON