Sunday, June 22, 2025

Dhismaha Safaaradda Cusub ee Somaliya oo laga furay Magaalada Washington [Madaxweyne Farmaajo oo xariga ka jaray]

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee safaaradda Soomaaiya ka furatay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha oo ay la socdeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Diblumaasiyiinta Safaaradda Soomaalida ee Maraykanka ayaa sheegay in hirgelinta dhismaha Safaaradda uu yahay dhismihii Safaaradeed ee ugu horreeyey oo Dowlad Soomaaliyeed ay ku yeelato dalka Maraykanka, taasoo muujinaysa mudnaanta dowladdu siisay soo celinta maaqaamka dalkeennu uu ka lahaa caalamka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku boorriyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka in ay wada shaqeyn dhaw la yeeshaan diblomaasiyiinta safaaradda, isagoo tilmaamay in dhismahan uu yahay hanti ay leeyihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ad

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay Diblomaasiyiinta Soomaaliya ee Washington in ay si siman ugu adeegaan, si dhowna uga warqabaan dadkeenna Soomaaliyeed ee ay mataaladda u yihiin, muhiimna ay tahay in ay ilaaliyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

Image may contain: 5 people

Image may contain: 11 people, people smiling, crowd and outdoor
Image may contain: 6 people, people smiling, people standing
Image may contain: 4 people, outdoor
Image may contain: 4 people, suit
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON