Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bari ee Somalia ayaa sheegaya in xalay fiidkii Dhul Gariir laga dareemay dhulgariir ka dhacay gudaha Badda oo ku beegan meel degaanka Bareeda, gacanka Gardafu oo gobolka Bari u jirta 171 KM.
Sida ay shaacisay xarun la socota dhulgariirrada caalamka oo Mareykanka fadhigeedu yahay wuxuu saameeyn ku yeeshay dhul gariidka 10km isku wareeg ah gudaha Badda, waxayna jihadiisu ahayd 13.3039 digrii oo waqooyiga ah iyo 50.449 oo jihada bari ah, cabirkiisuna ahaa 5.0 magnitude.
Meesha lagu qiyaasay in uu dhul-gariirkaasi ruxay, ayaa waxaa ku beegan buuraley ku yaalla inta u dhexaysa gacanka GARDAFU iyo degmada Qandala ee Gobolka Bari, inkastoo aan weli xog sugan laga helin, marka laga reebo warka ay soo saartay waaxda Sahanka dhulka ee dowladda Maraykanka.
Wararkii ugu dnbeeyya ayaa sheegaya in dadka degaanka ay dareemeen dhul gariirka, laakiin meesha oo ah goob aad u fog aanay warbixin ka helin, lagana yaabo inay jiraan kaluumeysato meelahaasi ka dhoweyd xilliga uu dhacay dhul-gariirka oo ku dhoweyd xalay saqdii dhexe.
Degaanka Bareeda ee GARDAFU’, waa degaan aad ugu fog dhulka la dego ee Gobolka Bari, marka laga cabbiro magaalada Garoowe, waxaana ay caasimadda u jirtaa 1556km.