Shirkadda Kenya Airways ayaa dib u dhigtay duulimaad la filayey inay maanta ka bilowdo magaalada Muqdisho, arrimo lagu sheegay farsamo dartood.
War-saxaafadeed uu soo saaray agaasimaha shirkada Kenya Airways Sebastian Mikosz ayaa lagu sheegay inay duulimaadkii ay Muqdisho ka bilaabi lahaayeen ay dib ugu dhaceen Bisha danbe ee Disembar inta ay ka dhameestirayaan waxyaabaha u dhiman. sida uu yiri.
Wuxuu sheegay in dib u dhaca uu ka yimid diyaaradaha dheeraadka ah ee laga doonayo iyo ogolaanshaha safarka u helaan iyo shuruudo laga doonayo inay buuxiyaan oo aan weli la dhameestirin, balse ugu danbeyn ay dhammeystiri doonaan.